Guddiyo ka socda jaaliyadaha dalalka Mareykanka iyo Kenya ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Jig-jiga.
Guddigan ayaa markii ay soo gaadheen madaarka diyaaradaha ee garaad Wiil-waal waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay culimmada Deegaanka, hoggaaminta dhaqanka iyo masuuliyiin ka mid ah xukuumadda Deegaanka.
Soo-dhowayn kaddib xubnaha hoggaaminayay guddiyadan oo war-baahinta la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay ka damqadeen saamaynta abaartu ku yeelatay walaalahooda Deegaanka, una yimaadeen in ay ka qeyb-qaataan samata-bixinta shacabka ay abaartu saamaysay.
Inaasi kaddib, guddigan ayaa waxaa madaxtooyada Deegaanka ku qaabbilay wasiirka Xafiiska Maareynta Khatarta Masiibooyinka DDS ahna ku-simaha madaxweynaha Mudane Axmed-yaasiin Sh. Ibraahim, waxa uuna uga war-bixiyay baaxadda saamaynta abaarta ee Deegaanka ka jirta.
Guddigan ayaa wadda deeqo ay ugu talo'galeen in lagu taageero shacabka ay saamaynta ba'an ku yeelatay abaartu.
0 Comments