Subscribe Us

header ads

ALLA MAY I JECLATO

 

ALLA MAY I JECLAATO 

Q/2aad 


Hadda baqdintii badnayd waan karoonahay oo iyadda ayaaba marmar isoo wacda.

Walaal iyo huunadii badnayd ee i dhibi jirtay way soo yaraatay. Anigu magaceeda uun baan ugu yeedha oo awood uma lihi xabibi ama qaali in aan ku dhaho.

8:30 fiidnimo habeen axad ah laydh yar ayaa socota, maalinkaas cabsi yar ayaa jirta.

Oo dhowr qof oo soomaali ah ayay oromadu dishay shalay!

Sami minafasha oo aan u soo doontay keeg xaafadda looga baahnaa ayaan qaybta soodhaweynta (reception) ka u taaganahay.

Waa Caaliya oo ii so qoslaysa! Dhexdu waa taako labiska ay qabto malaha hore uma ay xidhan jirin.

Wa dharkii jannada. Waa maro cagaaran oo hoosta ka ballaadhan dhexdana siriq ah ayay xidhantahay. Waxaan dhihi jiray, maxaa laga wadaa erayadda Cali Dhaanto ee ;

“Dhexda baasay dhaqaajin, armaa loodhintaa!"


Laakiin caawa anaa kayaaban dhexdaa baas inaan u dhinto!

Kaligeed ma aha ee waxa la socda nin aanu  saaxiibo ahayn oo Geedi la dhaho. Naxdinta aan naxay waxa ay ahayd mid aanan qoraal ku qiyaasi karin.

Geedi waa saaxiibkay aan aad iskugu dhawayn laakiin muddo ismaanan arag.

Maanta ilbiriqsigaa nac, naxdin, fiker, iyo baqdin ayaa igu kulmay.

Iigama duwana nin xaaskayga oo xaafadda aan kaga soo baxay aan u soo galay isagga oo la jiifa.

Waxa ay ka soo horaysay qiyaastii hal talaabo.

- "Alla waa guuleed! Sideed tahay walaal?"

Balaayo ku walaashatay. Maxaa i baray baan hoos u idhi.

- "fiican Caaliya." 

Geedi oo ka danbeeyay baa soo yidhi,

- "Heeey! Waar Guleed waa lagu waayay. Halkeed ka dhacday saaxiib? “

Dhola-cadayn aan uurka jirin ayaan ugu jawaabay. 

- "Waan fiicanahay saaxiib ee adigaba waa lagu waayay."

- "Oo caawa adna ma raandafu (ballan) baad mesha ku lahayd?"

Ciil waynaa. Malaha wuu igu  jeesjeesayaa? Maya, iskuma kaaya yaqaano. Oo muxuu aqoon oo idinka dhaxeeya?! Wallahi waxba. Ciil  badanaa.

- "Maya saaxiib xaafadan waxa u soo doonay.."

Caaliya ayaa la soo booday,

- "Bye bye Guleed. Geedi Ina mari adiguna ."


Waan iska aamusay. Aniga oo yaxyaxsan baan degdeg ku soo baxay.

Qolkaygii ayaan degdeg ku tagay. Muddo ayaan kafakarayay arrinkaasi waxa uu noqon karo.

Waxa aan u badiyay xaqiiqadda qadhaadh oo ah in xidhiidh kadhaxeeyo.

Abaara 10 Kii habeenimo ayaan wacay. dhuudh! dhuudh! Wadnahayga malaha shanqadh baa ka soo baxaysa! ma ogi sababta.


- "Hello walaal Guuleed."

- "Haa caaliya, sideed tahay, xaaladda ka warran?"

- "Waan fiicanahay ee adigu iska warran."

- "Alxamdulillaah. Caawa waad shidnayd."

- "Waxbana maan shidnayne, maxaad haysaa?"

- "Khayre, Geedi asxaab uun miyaad tihiin?" Uurkaan ka raaciyay ilayaahaw ay tidhaa asxaab uun baanu iska nahay. 

- "Maya. Kuuma sheegin miyaa?! Waa xaajigayga hahah."

Hadalo aanan xasuusnayn oo aan sax ahayn ayaa iga soo baxay. Miyaan caayay tolow?! mooji allaa og.

Intaan ku jaray ayay igu soo celisay. codkeedii xaada kicinayay ayay ku tidhi,

- "Guuled maxaa kugu dhacay?"

- "Walal waxba ee mar kale ayaan ku soo wici." 

Ma is kaba daayaa? Maya ma dayn karo. Haa waa xaqiiq madayn karo oo qalbigayga kama saari karo.

Waan ku qasbanahay in aan raadiya xal kale oon kuso xero galiyo. Raganimadaydi hore iyo aftahanimadaydii hadda Waan ku qasbanahay in aan dib u raadiyo.


Subixii baan wacay Geedi.

- "Hello saaxiib xaaladda ka warran?"

- "Waan fiicanahay saaxiib. Maxaad haysaa adigu?"

Xogaa is xog waraysi ah kadib, waxaan waydiiyay,

- "Qoftii xalay way shidanayde ma dumaashidaybaa?"

- "Hhh, maya saaxiib uun baan nahay. laakiin hadaan rabay in aan ku qabsado." 

Farxad ayaan ka baqay in telefoonku iga dhaco. 


Waxa aan u sheegay inaan jeclahay. Waa nin gob ah oo si fiican ayuu iigu sii dhiiri galiyay.

Geedi wakhti dheer ayay Caaliya is yaqaanaan oo bareefadka Juud ayay wakhti dheer english ka kawada dhiganayeen.

Aad ayay asxaab u yihiin oo wuxu iga siiyay xog badan oo amaan iyo arrimo aan kusii jeclaaday iskugu jira.


Lasoco qaybta 3aad oo follow garee page ka 


Fadlan akhristaha sharafta badanow ugu yaraan lawadaag asxaabtaada 

Xaga hoose ugu yeedh dhowr qof oo bahda akhriska ah ama dadka xiiseeya arimaha jacaylka 

Mahadsanid

Post a Comment

0 Comments

ALLA MAY I JECLATO