ALLA MAY I JECLAATO!
Waa galab jimce ah. Roob maalinkii odhan tifiq laynayay ayaa dhibicdiisa daalani dhulka turqaysa.
Waxaan ka soo baxay xaafadayada oo garoonka kubadda ee marmarsa udhow.
Biyo aan badnayn ayaa wadhan garonka. Waxaan u socdaa masjidka hooyo ee Gtz salaadi makhrib ayaan kuso tukaday.
Hooyaday Faynuus ayaa igu soo barbaarisay salaada oo sunuhu xataa ima dhaafo.
Albaab yar oo dhinaca waqooyi kuyaala ayaan ka soo baxay qalinkii iyo buugii jamacadda ayaan gacanta ku sitaa.
Dhulku waa madow oo sida Ethiopia iyo gaar ahaan diredawa caadada u ah Marku roob da,o laydhka waa lajaraa. Wado yar oo 10 neeyo Ey ah fadhiyan dhiiqana leh ayaan soo maray wadadii garoonka hor mari jirtay ayaan gooyay tex ga qaybtiisa force da iyo magafaha ayaa sawaxan kala duwan bixinaya. Buwaana, ayaan sodhafay axmaar alababka jamacadda tagan ayaan kaar kaygi ardaynimada tusay.
Jamacadda laydhkeedu magaaladda kuma xidhna wakhti walbana madamo waxaan sogalay iftiin iyo sarihii dhaadheeraa ee jamacadda habeenkaas waxaan laha maadada cilmi nafsiga (psychology). Waa ay iiga macaanayd maadooyinka kale.
Arday cusub in nalagu soodari doono ayuu maamuluhu noosheegay habeen ka hor. Qolkii waynaa ee wada kuraasta ahaa ayaan soogalay.
Waxa laysku dhexfadhiya axmaaro, aromo, canfar, soomaali, iyo dhowr qof oo ganbella ah. Waan arkaa ardaydii aan aqaanay kuwa cusub ayaa kabadan. Haddii aan ogaanlahaa in Caaliya ay noloshayda badali doonto habaynkaas ma imaadeen! Xasan Fatte oo aan isku kursi ahayn ayaan iljabin iyo iga durug iskugu daray. Markiiba Caaliya oo iga danbaysa ayay indhahayga oo gabdhaha midabkeeda maariin dhalaalka xiga (chocolate) ka leh aad ujecel qabteen. Si xishoodleh ayaan degdeg uga soo celiyay. Hoos ayaan Xasan Fatte ugu idhi
- "Eeg!"
- "Maxaan eega?"
- "Gadaashaadda."
- "Waa ardayda cusub ee ka aamus macallinka ka xishodoo."
Habeenkaa lama hadlin oo way igu adagtahay qof aanan aqoon inan barto markaba.
Todobaad ayaan indhaha iska eegnaa labadayaduba. Durba waxaan isku arkay jaamacadi aan necbaan jiray aniga oo jeclaaday.
Ardayda aniga ayaa ugu soo horeeya xilli walba, iyaduna inta badan way daahdaa.
Habeenkii danbe waxaan go,aan saday inaan barto;
Waa subax isniin ah 9:30 subaxnimo oo cadceedu falaadho naareed soo tufayso.
Waxaan saaranahay sar dheer oo afar biyaano ka kooban ka usareeya. Hoos ayaan fiiriyay waa Caaliya saaka iyadii ma aha ee quruxdeedii bay qurux kale kudarsatay.
Waxaad moodaa film dagaal ah inaan daawanayo intay soo socotay. Fasalka hal wiil oo axmaar ah ayaa fadhiya mar walba oo ay soo dhawaato wadanahyga waxad moda inu soo dhawaanayo sidii uu soo bixi doono. Waatan jaranjarti u danbaysay soo dhamaysay. Waxa ay cod xabeebleh o nadiif ah kutiri;
- "Asc walaal"
Sidii in dhagax la ila dul taagan yahay baan si baqdin leh u idhi.
-Wcs walaal. Sidee tahay adigu?
-Waan fiicanahay walaal.
-Walaal magacaa?
-Caaliya, walal adna?
-Guuleed walaal. Xaggan miyaa si rasmi ah laguugu soo badalay?
-Haa walaal.
-Xaafadahee degan tahay walaal?
-Mariman safar walaal. Adna?
-Halkan dhow, garoonka agtiisa.
-Alla walaal waad nasatay. Jaamacadu waa ay kuu dhowdahay, anigu waan rafaaday.
Kaftan yar iyo isbarasho kadib fasalki ayaan galnay.
Laba saac oo aan fasalka ku jirnay ayaa maalin igu noqotay. Waxaan soo baxay aniga oo faraxsan oo gabadhii bartay naxsana! Wali number kama qoran laakiin huba inaan ka qori doono.
- "Haye walal caaliya, ka warran maadada way nagu dheerayd sow maaha?"
- "Haa wallaahi. Macallinkan waanba nacay."
- "Hhh. Maanta uun baan anigu nacay. Cadceedu waa ay kulushahay aan waco gaadhi ku geeya xaafadii."
- "Maya walal dhibmalaha force da ayaan raaci."
Waxaan is waydiinayaa su,aalo badan!
Sideen ula soo xidhiidhaa? Waxaan go,aansaday in aaladaha lagu wada xidhiidho mid uun aan ka helo, si aan uwada xidhiidhno.
Caaliya hargaysa ayay kudhalatay laakiin diredawa ayay ku barbaartay. Aad ayay waxbarashadda u jeceshahay. Sanad ka hor ayay ka baxday dugsiga sare ee Xaaji Cali. Xaafadoodu waa hodan. Aabaheed Diiriye waa taajir 50 jir xooggan ah. Wuxuu lee yahay number jaad, oo D.jibouti ayuu u iibgeeeya jaadka;
Waan soo laabtay anoo faraxsan hadana ka Fikiraya xiligaan wici lahaa iyo wixi aan kudhihi lahaa;
Qolkaygii yaraa ayaan galay markiiba anoo si unaxsan ayaan dag-dag u wacay dhuudh!!, dhuudh,!!
Codkii xabeebta laha ayay kutidhi.
- "Hello."
-Halle Caaliya.
-Waa ayo walaal?
-Waa Guuleed walaal. Ma nabad tagtay?
-Haa walaal Guuleed waan nabad tagay. Sidee tahay?
-Wan fiicanahay walaal. Xaafadda ka warran?
sheeko gaaban kadib, waan macasalaameeyay.
Intaa wixi kadanbeeyay Caaliya waxa ay ii noqotay mid aan isku dhownahay xagayga. Waxa i haya jacayl miyaa?! Oo jeclaan ogiyaa? Horta durba laysma jeclaado miyaa? Mooji miyaan xiisaynayaa?.
Oo xiisuhu badanaa saddex todobaad ayaad istaqaanaane.
Malaha Waan kahelay? Garan maayo waxa ihaya!
Balse, waan Hubaa wax wayn ayaa ihaya.
Mar walba waxaan is waydiiyaa,
Caaliya tolow maku jeceshahay? Malaha kumaba oga.
Waan is aqaana oo waligay gabadh aan usheekeeyay maya ima odhan. Waxaan aaminsana gabdhaha tu boqor dhalay iyo mid wasiir dhalayba tii aan maago inaysan maya ii quudhin.
Waan quudhsan jiray gabadh walba oo rag diid ah inbadan ayay asxabtaydu mid laga samray iidireen.
Inta badan waan ku guulaysan jiray.
Balse, ayadu way iiga duwantahay oo Waan ka baqaa. Macallinkaygii quraanka macallin Yuusuf oo aad ii garaaci jiray ayaa igu soodhaca mar walba oo ay qalbigayga kuso dhacdo. Waxaan xaqiijiyay run ahaanta xigmadda tidhaahda;
“Jacaylku ninka libaax ah bisad bu kadhiga, ninka bisadda ahna libaax buu kadhigaa “
Maanta waakan libaax nimadaydii shaki weyn galay.
Ma ihi Guuleedkii aftahanka ahaa oo meel aan sheeko uga bilaabo ma aqaano .
Bil ayaanu hada is naqaana. Saaaxiibo caadi ah ayaan noqonay. Waxaan is waydiinaya,
Jacayl ma u sheegata? Armay kudiidaa? oo sey kuu diidi? Miyay waalan tahay?
Armay xidhiidh lee dahay? Acuudi billaah! Mayeelan karto, macquul ma aha. Haa, iyadu ma doqon baa inaad jeceshahay may iska garato?
Oo ma uur kubaalaa? Alla May i jeclaato!
Sidaay ii jeclaan gabadh sidaa u qurux badan? Oo adigu ma bahal baad tahay? Bal aan iska sugo bil kale.
Lasoco qaybta 2aad
Fadlan ugu yaraan lawadaag asxaabta
W/Q Zaakir Mohmod Abdi
0 Comments